إنا لله وإنا اليه راجعون
Waxa aan halkan Tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii, Bahda fanka iyo Suugaanta iyo guud ahaan Qaranka Somaliland geerida ku timi Allah ha u naxariistee Abwaan Ibraahim Ismaaciil Sugulle (Sooraan) oo Burco ku geeriyooday.

Maarxuum Sooraan waxa uu ahaa Jilaa caan ku ah in uu hibadiisa ku wacyigeliyo Bulshada, waxa uu ahaa Abwaan waaqici ah oo Riwaayadihiisu ku dhisan yihiin hadba Xaaladda dhabta ah ee Dadkiisu ku suganyahay. Marxuum Sooraan waxaan Allah uga baryayaa inuu Jannatul firdowsa ka waraabiyo Qabrigana u waasiciyo dhamaanteenna Samir iyo Iimaan saadiq ah inaga siiyo.
Amiin Amiin Amiin

Language AR EN SO