Curashada sannadka cusub ee tirsiga Islaamku (1444) waa munaasabad ina xusuusinaysa dhacdadii uu suubbanahu NNKH ka haajiray magaalada Maka, tallaabadaas oo horseed u ahayd hirgalka iyo taabbogalka dacwaddii iyo dawladdii Islaamka. Waa dhacdo ay inoogu sugan yihiin duruus nololeed oo joogto ah, oo wax badan inagu kordhin kara.
Munaasabaddan awgeed, waxa aan hamblayo u dirayaa dhammaan umadda Islaamka, meel ay joogaanba iyo gaar ahaan shacabka reer Somaliland. Waxaan rejaynayaa in Ilaahay sannadka sannadkiisa uu inagu gaadhsiiyo nabadgeliyo, barwaaqo iyo wadajir.