26ka June waxay ku astaysan tahay maalin taariikhi ah, waxaanan is waydiinayaa: guul iyo guuldarro kee ayaan ka dhaxalay gobonnimadii la helay maalintaa! Maxaa yeelay waxaa jirtay himilooyin ay dadkaygaasi lahaayeen maalintaa oo aanan garanayn wax la xaqiijiyay, waxaana malaha ugu horraysay uguna mudnayd in dawladnimo la helo, iyadiina weli way dhutinaysaa.

Waxaa kale oo jiray xilligaa himiladii Soomaaliweyn, taas oo natiijadeedii noqotay in shantii maalintaa la isla doonayay aan maanta labo ka wada joogin oo weliba kala fogaansho iyo is-nac abuurmay. Sababta dawladnimada iyo midnimada loo raadinayay waxay ahayd in la gaadho horumar, la yeesho cudud xooggan, bulshada Soomaaliduna qiimo ku yeelato dunida, maantana heerka dadyowga Soomaalidu dunida ka joogaan waa la wada garanayaa!

Ma aan joogin dunida caawa oo kale, waxaanse ka sheeko qaatay in habeennimadii 26ka Juun uu roob da’ayay hase yeeshee aanu jirin qof is dhaqaajiyay ama ka xarooday roobkii, dadka dushoodiina uu ku dhammaaday iyada oo uu ka xoog weynaa dareenkii gobonnimo-doon ee habeenkaa jiray.

Ilaahay waxaan uga baryayaa dhammaan dadyowga Soomaalida in mid kastaba halkeeda uu u barakeeyo, waxaanan weli rejaynayaa in mar uun la gaadhi doono Geeska Afrika oo ay Soomaalidu ka talinayso, dunidana ay ku leeyihiin sharaf iyo karaamo.

Hambalayo ayaan u dirayaa dadkayga iyo shacabkayga qiimaha badan ee reer Somaliland.

“Mar uun buu daf soo odhan nabsigii diinku soo sidaye,
Mar uunbay daruur caafimaad dooxa soo rogiye,
Dirridaa abaarta ah marbaa doog kasoo bixiye,
Dibjirkiyo marbay reer miyigu daasadaha qubiye.” – Abwaan Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasin) AHUN

Language AR EN SO