Waxaan u aragnaa inay sharcidarro tahay in wax Baarlamaanka yaalla oo golihii awoodda u lahaa hor yaalla in suuqa lagaga hadlo.
Sharci ma noqoto “waxaan aaminsanahay” iyo “waxay ila tahay” ee dalku sharci, xeerar iyo dastuur buu leeyahay, haddii sharciga la ixtiraami waayana cawaaqibta ka dhalata waa la garan karayaa.
Waxa aannu leennahay sharciga ha la ixtiraamo, dastuurka ha la ixtiraamo, xeerarka dalku leeyahay ha la ixtiraamo.
Ra’yigaagu cidna ma khuseeyo, adigaa qaba. Wuxu Madaxweynuhu aamminsan yahayna ha iska aamminsanaado. Wixii sharci ah ee dustuurka iyo xeerarka ku qoran ayaa shaqaynaya.
Qodobka 37 ee dastuurku wuxu tilmaamayaa in saddexda haayadood ee dalku ka kooban yahay ay kala madax bannaan yihiin oo aanay isfaragelin. Wasiirka hadalkiisu faragelin cad ayuu ahaa, waxaanuna leennahay waa in haayadaha sharciga iyo madaxweynaha oo ah ilaaliyaha dastuurku uu tallaabo ka qaado.
Xeerkan oo golihii hore madaxweynaha u gudbiyay, waxa layaab leh inay xukuumaddii oo uu shalay hor yaallay ay kala hadasho. Waa dayowga ku dhacay Kulmiye iyo hoggaankiisii, madaxweynihii iyo dawladdiisii.
Xeerkii shalay hor yaallay ee madaxweynuhu soo diiday ee uu weliba sababeeyey uuna yidhi dastuurka ayuu ka hor imanayaa ayuu Wasiirkiina yidhi waa sharci! Waa dawlad markaa iska hor imanaysa oo aan sharciga ixtiraamayn.
Ururrada haddii la furayo cuqdad kama qabno, shalay kuwii faray baannu ahayn, maantana haddii la furo waannu tartamaynnaa, waxaannuna u aragnaa in Kulmiye hadhi doono. Berri ayaa la furi doonaa, maalinteediise lagama soo horraysiin karo. Maalin bay leedahay ah 22 December 2022, waxa ka soo horraysa doorashada Madaxtooyada, haddii aan baqe idinku jirin doorashada madaxtooyada ayaynnu gelaynnaa marka ninka Madaxweynaha hela ayaa ururrada furi doona.
Haddii aad doonayso inaad teeramka 10-ka sano ka soo yarayso, ta Madaxweynahana waynu ka soo yarayn. Haddii aad leedahay sannad baa dhiman ee aynu ka yaraynno, madaxweynaha sannad baa u dhiman ee ha la soo yareeyo oo hadda ha ka dego.
Language AR EN SO