Ciid mubaarak
Munaasibadda Ciidul Fidri awgeed waxa aan hambalyo u dirayaa dhammaan Umadda Islaamka ah gaar ahaan Reer Somaliland, Allah ha inaga aqbalo acmaashii suubanayd iyo Cibaadadii aynu soo gudanay.
Sidoo kale waxa aan taageeradayda ku biirinayaa baaqyada Wadamada Islaamka ah ee ku aadan canbaaraynta dhibaatada ay Israel ku hayso Walaalaha reer Falastiin ee ay duqaymaha la beegsanayaan taas oo ah ficilo arxan darro ah oo aan la aqbali karin.
Allah ayaan ka baryayaa in uu u gargaaro dhammaan Muslimiinta meel kasta oo ay dunida kaga sugan yihiin.
farxad ku ciida Ilaahay Sanadkan sanadkiisa ha inagu gaadhsiiyo Nabad, Bashbash iyo Barwaaqo.
