Weftigii Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ee uu Hoggaaminayay Guddoomiyaha xisbiga Mudane Cabdiraxmaan Cirro ee maalmahan Socdaalka wacyigelinta ah ku marayay Deegaanada Bariga Somaliland ee diwaangelintu ka bilaabantay waxa aanu maanta gaadhnay degmooyinka Caynaba, Oog, Wadaamogoo, Qorilugud iyo deegaannada hoos taga.
Dadka ku dhaqan deegaanada aanu maanta tagnay, kuwii aanu hore usoo marnay iyo dhamaan Gobolada iyo Degmooyinka ay ka socoto diwaangelintu waxa aanu ku bararaarujinaynaa inay si mugleh isu diwaangeliyaan si ay doorashada uga qayb galaan ciddii meteli lahaydna u doortaan.
Language AR EN SO