Xalay waxaan kulan la qaatay hablaha ku shaqeeya mihnadda saxaafadda, gaar ahaan kuwa ka hawlgala warbaahinta madaxa bannaan.
Kulanka oo ujeeddadiisu ahayd xogogaal u noqoshada duruufaha ay ku shaqeeyaan hablaha warbaahinta madaxa bannaan iyo kor u qaadidda wadashaqaynta uu xisbigu la leeyahay hablaha warbaahinta, ayaannu ku lafagurnay caqabadaha soo wajaha inta ay ku guda jiran hannaanka xoghelis iyo wargudbintaba.
Dhankayga, waxaan ka garaabay caqabadaha ay ku shaqeeyaan guud ahaan hablaha iyo gaar ahaana kuwa warbaahintu, waxaanan u iftiimiyey fursadaha nololeed iyo kuwa warbaahineed ee ku hareeraysan, waxaanan kula dardaarmay inay kor u qaadaan aqoontooda kana midha dhaliyaan hammigooda, anigoo dhinaca kalena u ballanqaaday inaan si gaar ah ula shaqayn doono haddii ay noqoto shirarka jaraa’id iyo waraysiyada gaarka ahba oo aan ku tixgalin doono.
Kulanka waxaa igu wehelinayay guddoomiye kuxigeenka Xisbiga WADDANI, marwo Milgo Sanbalooshe iyo Xoghaye kuxigeenka dhallinyarada iyo ciyaaraha ee xisbiga WADDANI.
Language AR EN SO