Waxa aannu maanta kulan la qaadannay salaadiinta beelaha bariga Gobolka Togdheer, bariga Saaxil, Saraar iyo galbeedka Sanaag.
Kulankan ayaannu Madaxdhaqameedka iskaga xogwaraysannay xaaladda guud ee Dalka iyada oo aannu isla qaadannay in danta guud laga shaqeeyo, lana joogteeyo xidhiidhka madaxdhaqameedka – oo kaalin laxaad leh ugu jira qaranka, iyo Xisbiga Waddani.