Maalinka caalamiga ah ee xoriyadda Saxaafadda.

Maanta, oo ku beegan 3da May, waa maalinka caalamiga ah ee xoriyadda Saxaafadda. Waxa maalinkan loo asteeyey in la muujiyo doorka saxaafadda, la garab istaago, isla marlaana la xusuusnaado xuquuqda saxaafadda iyo suxufiyiinta.

Haddii aynnu Somaliland nahay, dastuurka dalka ayaa dammaanad qaaday xorriyadda saxaafadda, hase yeeshee waxa nasiibdarro ah in maanta saxafiyiin tiro ah ay xidhan yihiin, xadhiggoodana aan sifo sharci ah loo marin, iyada oo dhawaan uun ay ahayd markii saxafiyiin 20 ku dhow muddo todobaad ah xabsiyada loo taxaabay oo weliba garaacidna loogu daray. Waa xadgudub lagula kacayo saxaafadda iyo xorriyadda hadalka, waana arrin dhan ka ah dimuqraadiyadda iyo shuruucda dalka.

Xisbi ahaan, waxa aannu xukuumadda ugu baaqaynnaa inay ka joogsato carqaladaynta saxaafadda, sharciga dalkana ay ilaaliso.

Ugu dambayn, suxufiyiinta weli xidhan ee kala ah: Maxamed Cabdi Sheekh Ilig, Cabdijibaar Maxamed Xuseen iyo Cabdiraxmaan Cali Khaliif waa in si degdeg ah xoriyaddooda ay xukuumaddu ugu celiso

Language AR EN SO