Waxbarashadu waxay muhiimad weyn u leedahay ilbaxnimada iyo nolosha, waana shay kor u qaada qiimaha qofka. Iskaba dhaaf banii’aadamka oo, xayawaanka wax la baray ayey aqoontu kor u qaaddaa kana dhigtaa mid mararka qaar ka waxtar badan qofka. Waxbarashadu waxay beddeshaa habdhaqanka qofka iyo bulshadaba, waxay korisaa maanka, waxaanay kaalin muhiim ah ka qaadataa hab-nololeedka qof kasta iyo bulsho kasta.
Waxbarashada aynu doonayno waxaa saldhig u ah dhisme dugsi oo ku habboon oo loo diyaariyay dhammaan wixi agab waxbarasho ah ee suurta gelinayay in hannaankani shaqeeyo, tani waa diyaarinta goob waxbarasho oo ammaan ah lana wada iman karo xataa kuwa leh baahiyaha gaarka ah, fasallo ku filan, garoon kubbadeed ama goobo lagu ciyaaro, biyo nadiif ah iyo suuliyo. Marka la doonayo arday tayo leh, waxaa habboon in tirada ardaydu aanay ka badnaan 40 arday.
Manahajku wuxuu u baahanyahay in la tayeeyo, loona qorsheeyo waxbarasho la isu dheellitiray awoodda ardayga, wakhtiga iyo heerka aqooneed si ay intuba isula jaanqaadaan. manhajku waa in uu ka jawaabaa ujeeddooyinka qaranka, nuxurka waxbarashada, khibradaha barashada ee loo baahan yahay, hannaanka qiimeynta dugsiyada, agabka iyo kheyraadka kale ee lagamamaarmaanka u ah waxbarashada.
Si manhajka aynu soo sheegnay midhadhal u noqdo waxaa lagama maarmaan ah in kor loo qaado aqoonta iyo xirfadda macalinka oo loo diyaariyo kulliyadda tababbarka macallimiinta iyo jaamacadaha ku haboon,
sidaa si la mid ah waxa habboon in maamulayaasha dugsiyadu helaan tababbar la xidhiidh xirfada maamulka iyo hannaanka hoggaaminta tacliinta.
Sidoo kale si maamulayaasha iyo bareyaasha loogu dhiirrigeliyo kobcinta aqoontooda, waxa fiican in dallacaadda iyo mushahar kordhintu ku xidhnaato heerka shahaadada baraha sida: Diploma, shahaadada kowaad (Digree), shahaadada labaad (Master) iyo shahaadada sare ee (PhD) iyadoo oo la tixgelinayo waayo-aragnimada qofka. Macallin kasta oo wanaagsani haddii aanu helin tababbarka habka tebinta tacliintu, waa bar-kuma-taal.
Hannaanka tebinta waxbarashada dunida horumartay iyo qaaraddan Africa aad ayay u kala duwanyihiin mid kastaana wuxuu leeyahay wanaagiisa iyo ceebihiisa, maadaama oo labadan hannaan ee aynu soo sheegnay mid kastaa uu leeyahay culayskiisa, xalku wuxuu noqon karaa in la sameeyo hannaan u dhexeeya labadaa qaab oo laga duulo da’da ardayga iyada oo marka uu yar yahay ee ardaygu ku jiro dugsiga hoose wax la qaybsiinayo oo culayska 25% la saaro, marka uu u gudbo dugsiga dhexe in 50% la saaro, ka dibna marka uu dugsiga sare u gudbo 75% la saaro. Iyada oo ay jirto hannaan qorshaysan oo la isu qiyaasayo ardayga da’diisa iyo culayska la saarayo.
Marka tacliinta aasaasiga ah meel lagu tiiriiyo waxaa muhiim ah in Tacliinta Sare loo dejiyo manhaj kulmiya jaamacadaha dalka isla markaana ka jawaabaya baahiya dalka oo ardayga u diyaarinaya suuqa shaqada ee dalka iyo in ay awood u yeeshaan in ay caalamka u shaqo tegi karaan.