Qiyamka Umadda

Sida aan u arko qiyamka umaddu yeelanayso iyo sawir Maskaxeedka aan ka fekerayaa waa; Bulsho dhaqan leh, ilbax ah, oo diintu halbeeg iyo xuduud u tahay noloshooda. Bulsho runsheeg leh, cahdi iyo ballan leh oo ay cadaaladdu dhaqan u tahay. Bulsho edeb leh, dhawrsoon oo qiyamka wanaagsani tusaale u yahay. Bulsho aqoon leh, karti leh, o shaqadu kaalin sharafeed u tahay. Bulsho wax soosaarta, kalsooni leh oo waxeeda mudnaanta siisa. Bulsho naxariis leh, iskaashi leh, oo wadajirku astaan u yahay, Bulsho daacad ah,xishood leh oo dooda iyo gorfayntu caado u tahay. Bulsho kal furan, ku dhac leh oo dulqaadku tilmaam u yahay. Bulsho geesiyaal ah, diyaarsan oo nabaddoonimadu dhaqan u tahay. Bulsho hal abuur leh, isbedel hore u socod leh oo mustaqbalka qorshe u leh. Bulsho ammaano leh, akhyaar ah oo ixtiraamku dabeecad u yahay, kuwaas oo u midaysan dantooda, isu kaashanaya noloshooda, isku ixtiraamaya kala duwanaanshohooda. Qof kastaa kaalinta la qaabilsiiyey kasoo baxayo, is dirayo oo uu garanayo xuquuqda uu leeyahay iyo waajibka saaran, kuwaas oo leh himilo iyo yool isku mid ah oo ay ku wajahayaan Mustaqbalkooda, kana dabategayaan wixii dhaafay ama seegay iyagoo aan hilmaamayn ka faa’iidaysiga waqtiga la joogo iyo maaraynta waayaha ku gedaaman.

Language AR EN SO