Qabyaaladda waxa laga soo dheegtay qabiilka, qabiilku waa tixraaca nasabka iyo hidde-sidaha bini-aadamka kaas oo ku aroora Nebi Aadam oo dadka oo dhami ay yihiin tafiirtiisa, dhaqanka Soomaalida qabiilku waa urur bulshada ka mid ah oo ay ka dhaxayso dhalasho abtirsiimo taas oo ka bilaabanta raas guri yaala (waa Aabe iyo Caruurtiisa), ka dibna noqota Qoys walaalo ah iyo adeerkood, markay labo awow gaadho waxay noqotaa Jilib-yar, waxay hadana u sii dalacdaa tol oo laga keenay inay isku tolanyihiin baahida ay isku qabaan darteed, ka dibna jilibbo isu tegay oo tol guud ahaa ayaa isu bedela qabiil kuwaas noqoya lakabyo kala sareeya ilaa halka ugu saraysa la gaadho oo ah qabaa’ilka waawayn.
Maadama oo ay dadku ahaayeen xoolo-dhaqato iyo reer guuraa ku nool nolol rafaad badan, markii hore qabyaaladdu waxay ku bilaabantay hannaan iskaashi oo hab-nololeedka miyigu saldhig u yahay oo khilaafkoodu ahaa kala qaadista Geela iyo Fardaha, kala riixashada biyaha iyo daaqsinka.
Ujeedada qabyaaladdu waa in lagu kala sareeyo, laysku xulafaysto cid kale, lagaga sedbursado dad kale iyo in xuquuqda dad kale lagu duudsiyo iyadoo aasaasku tahay in qabiilka xoogga bataa uu dadka kale ka sareeyo ama ka wanaagsan yahay. waxaanay reer miyiga iyo xoolo-dhaqatadu lahaan jirtay xeerar u gaar ah iyo hannaan lagu xakameeyo wax-yeelada qabyaaladda iyo halbeegyo ay u yaqaaneen lamataabtaan iyo birmagaydo.
Hadaba qabyaaladdu waxay xadhkaha goosatay markii loo adeegsaday danaysiga siyaasadda iyo dhaqaalaha ee ay isku si u adeegsadeen ninkii reer miyiga ahaa, kii magaaalada joogay, aqoonyahankii, wadaadkii iyo siyaasigii, ee dhaqankii suubbanaa iyo xeerarkii xakamayn jiray ee qabaa’ilku meesha ka baxeen, madax-dhaqameedkii qabaa’ilka horgoogaha u ahaan jiray intooda badani dano Siyaasadeed ugu adeegsadeen, taas oo noqotay shay qaybiya bulshada midnimadeeda iyo wadajirkeeda.
Maadaama oo aynu qabayaaladda ka waranay saamaynteeda bulsho ee xun, waxa lagamamaarmaan ah in loo wajaho si xeeldheer oo surtogelisa in adeegsiga qabyaaladda meeesha laga saaro, si arintan loo helo na waxa loo baahanyahay in la helo hashiis bulsheed (Social contract) laysku ogyahay, xeer dhaqameed jaangoynaya xuduudaha iskaashi ee qabiilka iyo sharci qeexaya reebnaanta isticmaalka wejiga taban ee qabyaaladda.
Arintan si loo xaqiijiyo waxaa aasaas u ah in kor loo qaado heerka aqoonta, si bulshada aragtideedu kor ugu kacdo isla markaana la helo cadaalad iyo raacista sharciga, iyada oo la cidhibtirayo ku tiirsanaanta qabyaaladda lana abuurayo kalsoonida bulshada ee dawladda iyo hannaanka isku xidhnaanta bulshada iyo midnimada umadda oo qaranimada lagu tiirsado inta qabiilka lagu tirsanyahay in ka badan. ”Dugsi maleh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane” Abwaan timacade.