Dhalinyaranimadu waa xoog dihin iyo caqli cusub oo diyaarin iyo jihayn u baahan, kuwaas oo haddii si xun loo adeegsado ama qofku isagu si xun isu isticmaalo keeni karta halaag iyo burbur, haddii si wanaagsan loo dhiso ama uu isagu naftiisa u horumariyana horseedi karta guul iyo in bulashadu barwaaqo ku tallaabsato oo dunida qiimo ku yeelato.
Sida ku xusan axdiyada UN-ta, dhalinyaranimada waxay da’ahaan ku qiyaasaan 15 jir illaa 24 jir. Sidoo kale Midowga Afrika, waxay dhalinyaranimada da’ahaan ku qiyaasaan 15 jir illaa 35 jir. Haddii la eego dunida o dhan, dhalinyaradu waxay yihiin ¼. Bariga Afrikana dhalinyaradu waa 70%+, Soomaalidana 70% waxay ka yaryihiin 25 jir, balse waxay ila tahay sida bini-aadamka hiddahoodu u kala duwanyahay ee garashadoodu u kala xoog badan tahay ayay u kala duwan yihiin inta qofku uga gudbayo dhalinyaro ama kaga baxayo dhalinyaranimada, waana ay dhacdaa doorashada dadka in qofka wayni dhalinyaro iska dhigo ama mid dhalinyaro ahi qof wayn iska dhigo.
Degaanada Soomaalida dhalinyaro badan oo loo hanwaynaa markii masuuliyado kala duwan ay ku soo baxeen ee si uun xilal loogu igmaday, badankoodu shaqadii way ku saaqideen, qaar musuqmaasuq ku kacay ama ka xumaaday kuwii lagu bedeli lahaa, iyada oo ay marar badan igu soo baxaan qaar aan gacan qabtay oo rejo ka lahaa in ay umadda wax wayn u qaban doonaan oo saqiiray. Waxaana sababaya iyaga oo marka hore si dabiici ah dhalinyaradu dadka waawayn kaga dhiiranyihiin khataraha, isla markaana ay u nugulyihiin waayaha nolosha iyo marka ay ku darsadaan in aanay helin talo waayeel oo ilaalisa ama tamarta saaxiibbada dhigooda ahi isla barbartaagaan si loo ilaaliyo in ay ku dhacaan mahlakooyinkaas.
Waxay ila tahay in marka hore loo arko dhalinyarada awood ay tahay in la qaabeeyo oo loo hawlgeliyo ka dhabaynta himilooyinka umaddooda, isla markaana laga qayb geliyo nashqadaynta, samaynta,fulinta iyo ka shaqaysiinta siyaasadaha lagu hago dalka oo ay noqdaan qayb rasmi ah oo ka mid ah nidaamka nabad-dhiska, dawlad-dhiska iyo horumarka.
Waana in waxbarashada dhalinyaradu noqoto mid toos ula xidhiidha shaqo-abuur ama shaqo-gelin kuna salaysan xog cilmiyeed dhab ah oo deegaamaysan (Market intelligence) oo la tayeeyo hiraalkooga iyo xirfadohooda hogaamineed, iyada oo
la abuurayo sanduuqyo maalgelineed oo laga maalgeliyo siyaasadaha horumarinta dhalinyarada iyo mashaariicda shaqo-abuurka, taas oo salka ku haysa siyaasado xadeeya da’da dhalinyarnimo oo lagu saleeyo cidda dhalinyaro ahaan loo abbaarayo Iyo ugu danbayn in kor loo qaado nolosha dhaqan-dhaqaale ee dhalinyarada iyada oo loo marayo barmaamijyo aqooni hagaysooo oo kobcinaya hal-abuurka ganacsi ee dhalinyarada.
Taabagelinta arrimahani waxay horseedi karaan in la dhaliyo dareen lahaanshiyo iyo lexjeclo oo ay dhalinyaradu u qaado dalkooda, waxa kale oo ay si dhab ah u saamaynaysaa kalsoonida dhalinyaradu ku qabto naftooda, bulshadooda iyo mustaqbalkooda. Waxa kale oo oo ay dhalinaysaa aaminaad ah in dhalinyaradu dhabayn karaan riyooyinkooda iyaga oo jooga dalkooda.