“Xirsi Wuu Ku Tabcay Waddani Markaa Xaq Ayuu Maanta U Leeyahay In La Yidhaa Qabo Xilkaas”..Guddoomiyaha UCID Eng Faysal Cali Waraabe
Hargeysa, November 01, 2021- (Foore)- Tan iyo markii uu Toddobaadkan Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan si rasmi ah ugu dhawaaqay Musharraxnimadiisa Guddoomiyaha xisbiga WADDANI waxa si weyn looga dareemayaa guud ahaan dalka taageero ballaadhan oo siyaasigani kala kulmayo guud ahaan Bulshada Somaliland gaar waxaanay xaaladdani si weyn u diirisay dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee dalka oo in muddo ahba xisbiga WADDANI karkarinayay.
Odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta xisbiyada kala duwan ee dalka, aqoonyahannada, dhallinyarada iyo haweenka ayaa in badani waxa ay muujiyeen sida ay ula dhacsan yihiin Musharraxnimada Guddoomiyaha xisbiga WADDANI ee uu ku dhawaaqay Hogaamiyaha xisbigaasi Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan. Boqor Ibraahim Cawil oo ka mid ah wax-garadka reer Somaliland ayaa Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu ku tilmaamay nin firfircooni weyn galin kara geeddi soocdka siyaasadeed ee dalka wax bandanna ku soo kordhin kara. Qoraal uu ku baahiyey barta Facebook waxa uu ku yidhi: “Wadanku horu-socod buu u bahan yahay iyo is beddel midha-dhal ah taasna ninka maanta ugu haboon ee Waddanka iyo Ummadaba isku wadi karaa Horumarna gaadhsiin kara waa Guddomiyaha da’da yar ee fir-fircon Guddoomiye Xirsi Cali X. Xasan. Uma baahna Waddan ku maanta SNM iyo riwayadihi riyada ahaa ee aynu imakaba aragno midha-dhal kooda madhalayska noqday iyo dad kala qoqobka Bulshada Somaliland oo qabyaalad iyo Reernimo wax ku doonaya taasna Somaliland waa ka il-baxday. Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro kabacdi Ballanteenu Waa Xirsi Cali Xaaji Xasan” sidaa waxa yidhi Boqor Ibraahim Cawil.
Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo is baddalka ku imanaya xisbiga WADDANI ayaa isna sheegay in Xirsi Cali Xaaji Xasan, Hogaamiyaha xisbiga WADDANI uu yahay nin xisbigaasi wax badan soo gashaday oo wakhti adag is barbar taagay sidaa darteed uu maanta noqday nin xaq leh in xisbigaasi Guddoomiye ka dhigto. Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayay toddobaadkan xaaladdan ayaa waxa uu yidhi: “Xirsi wuu ku tabcay Waddani oo hogaanbaa laga dhigay, Doorashadii madaxtooyada maryahuu tuuray, markaa xaq ayuu maanta u leeyahay in la yidhaa qabo xilkaas” sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.
Dhinaca kale Waftiga ay hogaaminayeen Guddoomiyaha iyo Hogaamiyaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo maalmihii gu dambeeyey safar siyaasadeed ku gaalaa bixiyay Gobollada Awdal iyo Gabilay ayaa bulshada Gobolladaasi waxa ay kala kulmeen taageero ballaadhan oo loo muujiyey waxaanay kulamo gooni gooni ah oo ay bulshada qaybaheeda kala duwan la qaateen uga xog warrameen is baddalka lagu samaynayo xisbiga WADDANI iyo sidii looga shaqayn lahaa in xisbigaasi si weyn isugu diyaariyo doorashada Madaxtooyada ee sannadka dambe la filayo in ay dalka ka qabsoonto.
Xigasho Wargeyska Foore
Language AR EN SO