Subaxnimada berri, 7:00 waa Bannaanbax nabadgelyo!
Taageerayaasha xisbiga Waddani iyo qof kasta oo muwaadin ah oo nala aragti ah, waxa aan ugu baaqayaa in ay ka qayb qaataan bannaanbaxyada nabadgelyo ee ay dhigayaan xisbiyada mucaaradka ahi, in ay ilaaliyaan nabadgelyada oo ka dheeraadaan wax kasta oo cunfi iyo dhibaato keeni kara.
Bannaanbaxa nabadgelyo waa DASTUURI, waa xuquuq muwaadinku leeyahay, cidina kama qaadi karto. Waxa aynnu u hoggaansamaynnaa sharciga, sharcidarrada diida, dareenkiinna na u muujiya sida ugu habboon. Waxba inaga beddelimayso hanjebaadda xukuumaddu, qof kasta oo tacaddi geystana waxaa jiri doonta maalin lala xisaabtamo.
Waynnu guulaysanaynnaa, waynnu na gaadhaynnaa yoolkeenna oo ah isbeddel nololeed, isbeddel bulsho iyo isbeddel siyaasadeedba. Dalka inoo ilaaliya oo dawladnimada inoo dhowra.
Waad mahadsantihiin.