Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qaraabada, ehelka, bahda dhaqanka & fanka iyo guud ahaan umadda Soomaalida geerida naxdinta leh ee ku timid hoboladdii caanka ahayd ee Khadra Daahir Cige oo caawa xaqii ugu yimid magaalada Hargeysa oo baryahan ay ku xanuusanaysay.

Marxuumadda waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu dambigeeda dhaafo, su’aasha u fududeeyo, qabrigana u nuuro, ehelka iyo qaraabadana uu sabir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

Innaa lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun.

Language AR EN SO