Waxa aan xasuusinayaa Bulshada reer Somaliland, waad garanaysaan cawaaqib xumada ay leedahay in la doorto Qof masuul ah oo aan ku haboonayn shaqada loo doortay waxaana idiin Tusaale ah Madaxwaynaha maanta jooga ee intii dooratay ugu Jawaabay”fartiinaad eedi doontaan”.
Waad dareemaysaan in wixii ay ku baaqeen reer Kulmiye ee ay codka Bulshada ku heleen lagu hungoobay Bulshaduna sheegtay waxayna ka muuqataa Dhaqaalaha Dalka ee dhulka yaala iyo Somaliland oo uu Madaxa isku geliyey Madaxwaynuhu.
Bulshooy maanta ayaad fursad haysataan ee ha iska dayicina ee u doorta Wakiilada iyo Deegaanka Dad codkiina ku meteli kara Goleyaasha Qaranka
Language AR EN SO