Waxay ahayd maanta kadib markaan soo gaadhnay Xarunta gobolka Togdheer ee Burco aniga iyo tiro kamida Isbaahaysiga Dimquraadiga ah ee Kulmiye oo kala ah Gudoomiye ku Xigeenka Koobaad ee Xisbiga Kulmiye Xildhibaan Axmed Yuusuf Waabeeyo, Xildhibaan Cabdicasiis Dhulcun, Xildhibaan FarxaanMaxamed Cali iyo Wasiirkii hore ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr Cabdi Aw Dahir

Kahor intii waftigu soo gaadhin magalaada Burco ayaa boqolaal kamida taageerayaasha ku dhisan mabd’a iyo kalgacaylku nagu qaabileen dareen qalbi ruxan le kaasoo shidaal noo noqonaya aan ku safarno inta aan ku gudo jirno hayaankayaga Dimquraadi doonka ah.

Waxaa hubaal ah in waxa dadka mideeya yahay aragtida iyo mabd’a in maanta sidan oo kale naloo soo dhawayeyna waxay fariin u tahay sida shacabka reer Somaliland u rabaan doorasho ku dhisan xornimo isla markaana ah dimuqraadiyad aan jujuub lahayn.

Waxaan si dareen badan uga mahadcelinaynaa taageerayaasha caqli xorta ah le ee maanta sidan noo soo dhaweeyey waxaanan leeyahay “Way kala Xasuus iyo Xiiso badan tahay marka Xil ama Xoolo lagugu soo dhaweeyo iyo marka Kalgacayl iyo Mabd’a lagugu soo dhawaynayo” taageerihiina maantana waxaan qirayaa in aanu ahayn mid xil iyo xoolo toona ku xidhan ee uu yahay mid kalgacayl iyo qalbi wanaag hogaaminayo.

Soo dhawayntiinu waa fariin na faraysa in aan hayaanka horay u sii wadno si aan u helno Somaliland Xoriyad isku doorata isla markaana qofka ku qiimaysa astaamo Qabyaalad ka madhan!

Hadii aad jeclaysato daawashada soo dhawayntii maanta fadlan riix halkan hoose:

https://www.youtube.com/watch?v=w3rj_R1WXzE

Geedigu uu soconayaa Gushuuna way dhawdahay!

Wa Bilaahi Tawfiiq