Xadhigga suxufiyiinta iyo weerarka xarumaha warbaahintu waa xadgudub ay xukuumaddu u badheedhay.
Weerarka xarumaha warbaahinta ee Horn Cable, Xadhigga tobanka suxufi iyo kuwa la sheegayo in hore loo jidh dilay, waxay markhaati cad u tahay in xukuumadu baal marsan tahay sharcigii dalka u yaallay iyo dastuurkii muwaadiniinta u dammaanad qaaday xoriyaadka aasaasiga ah.
Labo maalmood ka hor ayay ahayd markii uu Wasiirka arrimaha guduhu u hanjebayay saxaafadda, maantana wuxu ku tallaabsaday in uu xidhxidho. Waannu ka soo horjeednaa xadgudyada lagula kacayo saxaafadda iyo muwaadiniinta aan waxba geysan.
Cabudhin iyo cagajuglayn ku cabiidsami maayaan dadka reer Somaliland
