Xidhigga saxaafaddu waxa uu noogu muuqdaa cabudhin iyo “car hadla”!
Xukuummada waxa aannu ugu baaqaynnaa in saxafiyiinta xidhan xoriyaddooda loo celiyo. Xisbi ahaanna waxa aannu arrintan u aragnaa inay liddi iyo xadgudub ku tahay hannaankii dimuqraadiyadeed iyo xuriyaddii hadal.
Hore ayaannu u tilmaannay in xukuumadda maanta jirta ay ku xadgudubtay nidaamkii iyo sharicigii dalka, ciddii ku aragti duwanaatana xadhiga iyo tacaddii ay kula kacayso.