Xukuumadda wakhtigeedu dhammaanayo bannanbixii silmiga ahaa waxay ku carqaladaynaysaa awood ciidan iyada oo dhammaan isgoysyadii iyo jidadkii muhiimka ahaa ee magaalada Hargeysa la xidhay. Sidoo kale, isgaadhisiintii Internet-ka oo guud ahaanba Somaliland ay xukuumaddu ka jartay, iyada oo isku dayaysa inay arrinkaa ku qariso tacaddi iyo xagudubyo ay damacsan tahay inay shacabka kula kacdo, oo imikaba qaar ka mid ah guddoomiye kuxigeennada Xisbiga jidhdil iyo xadhig loo geystay, sidoo kalana shacab kala duwan waxyeello la gaadhsiiyay, loona adeegsaday rasaas nool.
Isgaadhsiinta oo la jaraa waa tallaabo ugub ku ah Somaliland, waa dastuur-jebin hor leh, waana cabudhin iyo car juuq dheh, cabudhin iyo cago-juglaynna ku cabiidsami maayaan shacabka reer Somalialnd.
Bannaabaxan silmiga ahi waa hordhaca halgan ummadeed oo lagu badbaadinayo Qaranka.
“Muslim kuma cabiidsamo
Wallaan madaxa kaa goyn”